WAR CUSUB: Guddoomiyaha Togdheer Oo Ka Digay Iibka Sharci-darrada Ah Ee Dhulka

0
Wednesday May 06, 2026 - 08:59:11 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR CUSUB: Guddoomiyaha Togdheer Oo Ka Digay Iibka Sharci-darrada Ah Ee Dhulka

    Wuxuu ku adkeeyey nootaayooyinka inay si adag u hubiyaan....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu ku adkeeyey nootaayooyinka inay si adag u hubiyaan....



Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in kiisaska ugu badan ee soo gaadha hay’adaha sida Booliska, Maxkamadaha, Guddiga Nabadgelyada iyo Dowladda Hoose ay yihiin muranno la xidhiidha dhul si sharci-darro ah loo iibiyey.


 

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyey kulan uu la yeeshay madaxda nootaayooyinka gobolka Togdheer, isaga oo xusay in marar badan ay dhacdo in qof aan lahayn dhul uu sameysto waraaqo been abuur ah oo lagu iibinayo dhul aanu sharci u haysan.



 

Wuxuu ku adkeeyey nootaayooyinka inay si adag u hubiyaan dukumentiyada iyo sharciyadda dhulka la iibinayo, si looga hortago khilaafaadka iyo murannada ka dhasha lahaanshiyaha.


 

Guddoomiye Ramaax ayaa yidhi: "Kiisaska ugu badan ee gobolka yaalla waxa weeye lahaanshiyo aan sharci ahayn oo nin nootaayo soo maray yidhi waxaan iibiyey dhulkan isaga oo aan mulkiyad iyo sharci midna u haysan.”


 

Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay nootaayooyinka inay qof kasta ka hubiyaan sharciyadda dhulka uu iibinayo, si loo ilaaliyo xuquuqda shacabka loogana hortago murannada dhulka.

Loading...
Loading...