DEG DEG: Kenya Iyo Aliko Dangote Oo Ku Dhawaaqay Mashruuc Shidaal Oo Tanzania Ka Caraysiiyay

0
Wednesday May 06, 2026 - 08:46:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Kenya Iyo Aliko Dangote Oo Ku Dhawaaqay Mashruuc Shidaal Oo Tanzania Ka Caraysiiyay

    Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa muujisay ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa muujisay ...



Madaxweynaha Kenya iyo ganacsadaha caanka ah ee u dhashay Nigeria, Aliko Dangote, ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo warshad weyn oo sifaysa shidaalka, taas oo laga hirgelinayo dalka Tanzania.


Sida ay baahisay Business Insider Africa, dowladda Tanzania ayaan lala tashan mashruucan kahor inta aan la shaacin.



Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa muujisay walaac xooggan, iyadoo sheegtay inaan lagu wargelin isla markaana aysan qayb ka ahayn wada-hadalladii mashruuca.


Warshaddan ayaa la qorsheeyay in laga dhiso magaalada Tanga, isla markaana lagu xidho dhuun shidaal oo gaadha magaalada Mombasa, si loogu adeego sifaynta shidaalka gobolka.


Aliko Dangote ayaa sheegay in mashruucu ku dhammaan karo muddo u dhaxaysa 4 ilaa 5 sano, isla markaana uu noqon doono warshad casri ah oo la mid ah tan uu ku leeyahay Lagos.

Loading...
Loading...