WAR CUSUB: Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Qaabilay Wefti Sare Oo Ka Socda WFP
Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday World Food Programme (WFP).
Weftiga ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasime ku-xigeenka Fulinta, Matthew Hollingworth, waxaana sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiin sare oo ka kala socday WFP Bariga iyo Koonfurta Afrika iyo xafiiska Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha soo noqnoqday, yaraanshaha deeqaha caalamiga ah, iyo dardargelinta gargaar gaadhsiinta dadka nugul, gaar ahaan carruurta.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay WFP shaqada ay ka hayaan Puntland, isaga oo ku boorriyay in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku xidhnaanta labada dhinac.
Sidoo kale, dowladda Puntland ayaa la wadaagtay weftiga muhiimadda ay leedahay in deeqaha gargaarka si toos ah u gaadhaan Puntland, si loo xoojiyo wax-ka-qabashada baahiyaha bani’aadannimo ee jira.


0 





