DEG DEG: Wasiirka Warfaafinta Oo Joojiyay Barnaamijka "Faallada Warka"
Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jama Batuun, ayaa soo saaray digreeto uu ku joojiyay barnaamijka "Faallada Warka” ee ka bixi jiray Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka.
Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu saleeyay ilaalinta haybadda warbaahinta qaranka iyo kaalinteeda wacyigelineed, iyadoo sidoo kale la qiimeeyay tayada wararka iyo barnaamijyada ka baxa warbaahinta.
Go’aanka ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 05/05/2026, waxaana si rasmi ah loo joojiyay barnaamijka "Faallada Warka”.
Loading...
Loading...


0 





