Hindiya Oo Ku Dhawaaqday Tallaabo Ka Dhan Ah Kashmir
ah oo ilaa iyo haatan lahaayeen deegaannada Jammu iyo Kashmir oo ah goobta kaliya ee ay degaan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi.
Go'aankaasi ayaa waxa uu meesha ka saarayaa xuquuqdii gobolkaasi uu u lahaa inuu shuruucdiisa sameysto, waxa ayna ka dhigan tahay in markii ugu horraysay dad aanan gobolkaasi u dhalan ay halkaas hanti ka iibsan karaan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Hindiya, Amit Shah, ayaa gudaha baarlamaanka kaga dhawaaqay amarka madaxtooyada, iyadoo ay arrintaasi aad uga buuqeen xubnaha axsaabta mucaaradka.
Wasiirka ayaanan hadalkiisa si wanaagsan loo maqlayn oo waxaa qariyay buuqa iyo sawaxanka ka dhashay baarlamaanka intii uu bayaanka wasiirku akhrinayay.
Weriyaha BBC-da uga soo warrama waddanka Hindiya ayaa sheegaya in dad badan ay arrintaasi u arkaan qeyb ka mid ah ajandaha dowladda ay waddo ee wadaniyadda Hinduuga, taas oo badeli karta hannaanka lagu darso dadweynaha.
BBC


0 





