WAR CUSUB: Agaasimaha Maaliyadda Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Ciidanka Ilaalada Cashuuraha
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo awoodda iyo aqoonta Ciidanka Ilaalada Cashuuraha si loo horumariyo nidaamka uruurinta dakhliga qaranka.
Agaasimaha ayaa tilmaamay baahida loo qabo ciidamo si fiican u tababaran oo si buuxda u fahmaya shaqadooda, isagoo yidhi: "Waxaynu u baahanahay ciidamo ku filan oo cashuur uruurin ah, kuwaas oo garanaya shaqadooda iyo sida loo qaado dakhliga.”
Wuxuu sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda kor u qaadista aqoonta ciidanka, isagoo ka digay in haddii aan la xoojin ay keeni karto dib u dhac, isla markaana ciidanku yihiin laf-dhabarta ilaalinta iyo uruurinta cashuuraha.
Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan in dadaallada socda ay midho dhal noqon doonaan, isla markaana la gaadhi doono horumar muuqda oo dhinaca maaliyadda ah.


0 





