DEG DEG: Nin Loo Soo Oogay Dacwad Dil Kadib Markii Uu Dilay Laba Carruurtiisa Ah
Eedaysanaha ayaa la sheegay inuu subaxnimadii Jimcaha
Maxkamad ku taalla magaalada Calgary ee dalka Canada ayaa nin 37 jir ah ku soo oogtay dacwad dil darajada koowaad ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu dilay laba carruurtiisa ah.
Maydka wiil shan jir ah iyo gabadh saddex jir ah oo uu dhalay ayaa Khamiistii laga helay gudaha gaadhi yaallay waqooyi-galbeed magaalada Calgary.
Eedaysanaha ayaa la sheegay inuu subaxnimadii Jimcaha ka soo muuqday maxkamadda, sida ay sheegeen booliiska.
Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in aan warbaahinta lagu shaacin magacyada eedaysanaha iyo carruurta dhimatay, iyadoo arrintan ay baahisay CBC.
Loading...
Loading...


0 





