DEG DEG: Hoggaamiyaha Mali Oo Isu Magacaabay Wasiirka Difaaca Kadib Dilkii Wasiirkii Hore
Dalka Mali ayaa weli wajahaya xaalad amni darro oo,,,
Hoggaamiyaha dowladda militariga ee Mali, Assimi Goïta, ayaa isu magacaabay xilka wasiirka difaaca kadib dilkii wasiirkii hore, sida ay baahisay ORTM.
Wararka ayaa sheegaya in wasiirkii difaaca, Sadio Camara, lagu dilay qarax gaadhi oo ismiidaamin ahaa oo ka dhacay gurigiisa meel u dhow caasimadda Bamako toddobaadkii hore.
Dalka Mali ayaa weli wajahaya xaalad amni darro oo sii kordhaysa, kadib weerarro ay fuliyeen kooxo jihaadiyiin ah iyo fallaago gooni-u-goosad ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo dalka ah.
Tallaabadan uu qaaday Assimi Goïta ayaa muujinaysa sida ay u sii cakiran tahay xaaladda amni ee dalka, iyadoo la filayo inay saameyn ku yeelato hoggaanka milatari iyo maamulka amniga ee Mali.
Loading...
Loading...


0 





