WAR CUSUB: Warbixin Caalami Ah Oo Iftiimisay Sababta Somaliland U Soo Jiidanayso Dunida

0
Tuesday May 05, 2026 - 14:57:18 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR CUSUB: Warbixin Caalami Ah Oo Iftiimisay Sababta Somaliland U Soo Jiidanayso Dunida

    Waxaa lagu sheegay in Somaliland ay bixin karto:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa lagu sheegay in Somaliland ay bixin karto:


Warbixin caalami ah oo ay baahisay Horn & Red Sea News ayaa muujisay sababaha dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland u noqotay meel soo jiidata dareenka beesha caalamka, iyadoo la xusay doorkeeda sii kordhaya ee juquraafi-siyaasadeedka (geopolitics).


 

Warbixintan oo uu turjumay Wargeyska Dawan ayaa tilmaamaysa in goobta juqraafiyeed ee Somaliland iyo kaalinta ay ku leedahay saadka iyo amniga caalamiga ahi ay ka dhigeen mid aan la iska indho-tiri karin.



 

Sidoo kale, warbixintu waxay carrabka ku adkaysay in aqoonsigu aanu hadda ahayn qodobka keliya ee lagu cabbiro muhiimadda dal, balse muhiimaddu ku jirto doorka uu ka ciyaaro nidaamka saadka, amniga iyo juqraafiyadda caalamiga ah.


 

Falanqayntu waxay tilmaantay isbeddel weyn oo ku yimid fahamka khariidadaha caalamiga ah, iyadoo la kala saaray khariidadaha diblomaasiyadda iyo kuwa istaraatiijiyadda, taas oo muujinaysa in Somaliland ay si muuqata ugu soo baxayso saaxadda istaraatiijiyadda.


 

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay muhiimadda marinka Bab el-Mandeb, iyadoo sheegtay in xasillooni-darrada ka jirta Badda Cas ay sare u qaadayso qiimaha Somaliland oo leh xeeb dheer oo xasilloon.


 

Waxaa lagu sheegay in Somaliland ay bixin karto:

 

Goob lagala socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta (Monitoring Point)

Madal lagu hubiyo badqabka saadka caalamiga ah (Logistics Platform)


 

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Berbera aysan ahayn oo keliya magaalo, balse ay tahay "hanti badeed” muhiim ah oo isku xidha Aasiya, Afrika iyo Yurub.


 

Ugu dambayn, warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in Somaliland ay tusaale u tahay waxa loo yaqaan "quwadda aamusan ee juqraafiyadda,” taas oo muujinaysa in qiimaha dhabta ahi uu ka horreeyo aqoonsiga rasmiga ah marka laga eego dhinaca istaraatiijiyadda iyo saameynta caalamiga ah.

Loading...
Loading...