DEG DEG: Warbixin Caalami Ah Oo Sheegtay In Somaliland Dhisayso Ciidan Badeed Casri Ah

0
Tuesday May 05, 2026 - 14:53:51 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Warbixin Caalami Ah Oo Sheegtay In Somaliland Dhisayso Ciidan Badeed Casri Ah

    Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay iskaashi la sheegay inuu u dhexeeyo Somaliland i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay iskaashi la sheegay inuu u dhexeeyo Somaliland i



Warbixinno caalami ah oo ay baahisay Semonegna Spotlight ayaa muujinaya in Somaliland waddo dedaallo istaraatiiji ah oo lagu dib u dhisayo laguna horumarinayo Ciidankeeda Badda, iyadoo la tilmaamay inay tahay dib u curasho awood ciidan oo xooggan.


 

Warbixinta ayaa xustay in horumarkan uu si weyn u xoojinayo amniga iyo xakamaynta xeebaha dheer ee Somaliland oo gaadhaya ku dhowaad 850 km, isla markaana uu ku dhisan yahay iskaashi istaraatiiji ah iyo adeegsiga tignoolajiyada casriga ah.



 

Sidoo kale, xogtan oo uu turjumay Wargeyska Dawan ayaa sheegtay in isbeddelkani noqon karo mid dib u qaabeeya amniga Badda Cas, iyadoo lagu salaynayo awood cusub oo ciidan badeed.


 

Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay iskaashi la sheegay inuu u dhexeeyo Somaliland iyo Israel, kaas oo lagu dhisayo awood ciidan badeed oo casri ah. Waxaa lagu tilmaamay in Israa’iil dooranayso inay noqoto "naqshadeeyaha” (architect) dhismaha ciidanka, halka Somaliland ay bixinayso ciidamada iyo aqoonta deegaanka.


 

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland hadda leedahay ciidan ilaalada xeebaha ah, balse ay u baahan tahay qalab casri ah si ay ula tacaasho khataraha cusub sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo maraakiibta badda hoosteeda marta.


 

Warbixintu waxay xustay in qorshayaasha cusub ay ku jiraan maraakiib dagaal oo casri ah iyo nidaamyo difaac oo horumarsan sida C-Dome, taas oo ka dhigi karta dekedda Berbera meel amni ahaan aad loo ilaaliyo.


 

Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaantay isbahaysi cusub oo la sheegay inuu ka dhaxeeyo Somaliland, Israa’iil iyo Ethiopia, kaas oo diiradda saaraya tignoolajiyada iyo dhismaha awood difaac oo xooggan, gaar ahaan dhinaca badda.

Loading...
Loading...