WAR CUSUB: Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Kormeeray Mashaariic Ka Socda Hargeysa

0
Tuesday May 05, 2026 - 14:52:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR CUSUB: Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Kormeeray Mashaariic Ka Socda Hargeysa

    Kormeerkan waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan guddida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kormeerkan waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan guddida

May be an image of one or more people and dais



 

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdoo Axmed Ayir, ayaa kormeer ku tegay qaybo ka mid ah mashaariicda laga fuliyay gobolka Maroodijeex, gaar ahaan caasimadda Hargeysa.

 

Kormeerkan waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan guddida, agaasime waaxeedyo iyo shaqaalaha xafiiska, kuwaas oo kulan xog-weydaarsi ah la yeeshay Wasiirrada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud.

 

Intii uu socday kormeerku, waftigu waxay booqdeen mashaariic ay ka mid yihiin dhismaha xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib-u-habaynta xarunta Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo laga maalgeliyay miisaaniyadda qaranka.

 

Masuuliyiintu waxay qiimeeyeen heerka fulinta mashaariicdan iyo sida ay u socoto hawsha, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay hufnaanta, kormeerka joogtada ah iyo ilaalinta tayada mashaariicda qaranka.

Loading...
Loading...