WAR KOOBAN: Mas'uuliyiin Dowladda Ka Tirsan Oo Gargaar Gaadhsiiyay Qoysas Nugul

0
Tuesday May 05, 2026 - 14:49:23 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR KOOBAN: Mas'uuliyiin Dowladda Ka Tirsan Oo Gargaar Gaadhsiiyay Qoysas Nugul

    Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xaaladda nololeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xaaladda nololeed

May be an image of one or more people



Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, Wasiirka Dib-u-dejinta, Guddoomiyaha Hay’adda Kaydka Raashinka, iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Gobolka Saaxil ayaa si wadajir ah u fuliyay hawl gargaar ah oo lagu taageerayo qoysas nugul.


 

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xaaladda nololeed ee qoysaska, iyagoo si toos ah uga dhagaystay baahiyaha ay qabaan, isla markaana qiimeeyay duruufahooda nololeed.


 

Waxay ballanqaadeen in la xoojin doono dadaallada gurmadka iyo dib-u-dejinta, si loo hubiyo in qoysaskan helaan nolol ka wanaagsan tan ay hadda ku sugan yihiin.


 

Ugu dambayn, deeqdan raashinka ahi waxay qayb ka tahay qorshayaasha dowladda ee lagu garab istaagayo bulshada nugul, gaar ahaan xoolo-dhaqatada ay saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka cimiladu, iyadoo muujinaysa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo nolol-maalmeedka bulshada.

Loading...
Loading...