DEG DEG: Wasaaradda Biyaha Oo Joojisay Mashaariic Aan Sharci Haysan

0
Tuesday May 05, 2026 - 14:44:51 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasaaradda Biyaha Oo Joojisay Mashaariic Aan Sharci Haysan

    Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadani dhaqan gashay 5 May 2026

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadani dhaqan gashay 5 May 2026


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen, ayaa soo saaray amar lagu joojinayo dhammaan mashaariicda biyaha ee aan haysan oggolaansho rasmi ah (permission letter).


 

Go’aankan ayaa khuseeya shirkadaha qodista ceelasha, kuwa dhaamiya biyaha, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay, iyo cid kasta oo ku hawlan arrimaha biyaha.



 

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadani dhaqan gashay 5 May 2026, si loo xakameeyo loona nidaamiyo isticmaalka khayraadka biyaha dalka.


 

Agaasimaha Guud ayaa caddeeyay in cid kasta oo doonaysa inay fuliso mashruuc biyo ay marka hore oggolaansho ka hesho wasaaradda, isla markaana mashaariicda aan sharciga waafaqsanayn si degdeg ah loo joojin doono.

Loading...
Loading...