DEG DEG: Wasiir Barkhad Batuun Oo Daah-furay Sanduuq Caafimaad – Shaqaalaha Oo Isu Gurmaday

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay sanduuq caafimaad oo cusub oo loogu talogalay shaqaalaha wasaaradda, kaas oo markii ugu horraysay la hirgeliyey.
Sanduuqan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo shaqaalaha marka ay xanuun haleelo, si loo fududeeyo daryeelkooda caafimaad iyo xaaladaha degdegga ah.
Shaqaalaha wasaaradda ayaa si buuxda u meel-mariyey yagleelidda sanduuqan, iyaga oo taageeray hindisaha wasiirka, isla markaana ballan qaaday inay si joogto ah u garab istaagi doonaan.
Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda, Mudane Muuse Askar Guuleed, iyo Agaasimaha Guud Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), ayaa ku ammaanay shaqaalaha is-caawinta iyo isku-tashiga, iyaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan.
Wasiir Barkhad Batuun ayaa sheegay in sanduuqan loo samayn doono guddi shaqaale oo si hufan u maamuli doonta, isaga oo carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay caddaalad iyo daahfurnaan buuxda.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo kor u qaadaysa daryeelka iyo isku-duubnida shaqaalaha, isla markaana muujinaysa dhaqanka is-caawinta ee hay’adaha dowladda.


0 





