DEG DEG: Shir Balaadhan Oo Ka Dhacay Xarunta KULMIYE – Go'aamo Iyo Warbixinno Muhiim Ah

0
Monday May 04, 2026 - 15:00:39 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Shir Balaadhan Oo Ka Dhacay Xarunta KULMIYE – Go'aamo Iyo Warbixinno Muhiim Ah

    Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ka hadlay go'aankii uu Guddiga Diiwaangelinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ka hadlay go'aankii uu Guddiga Diiwaangelinta

May be an image of one or more people, dais and text



Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE iyo haldoor kale oo ka tirsan xisbiga ayaa maanta shir ballaadhan ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda xisbiga iyo qorshayaasha horyaalla.


 

Shirka waxaa guddoominayey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, oo ka qaybgalayaasha siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hawlaha shaqo ee xisbiga iyo jihada uu ku socdo mustaqbalka.


 

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ka hadlay go’aankii uu Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Axsaabtu ka soo saaray dacwad uu hore u gudbiyey Guddoomiyihii hore ee Golaha Dhexe ee xisbiga, Mr. Maxamuud Jaamac Warfaa.


 

Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid muhiim u ah mideynta iyo dardargelinta hawlaha xisbiga, iyadoo la isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqaynta iyo diyaar-garowga siyaasadeed ee xisbiga.


 

Shirka ayaa ku soo dhammaaday jawi is-afgarad iyo midnimo, iyadoo hoggaanka xisbigu muujiyey dadaal ku wajahan xoojinta qaab-dhismeedka iyo awoodda siyaasadeed ee KULMIYE.

Loading...
Loading...