DEG DEG: Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 14aad

0
Monday May 04, 2026 - 14:55:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyey Ajandaha Kalfadhiga 14aad

    Ansixinta ajandahan ayaa muhiim u ah howlaha sharci-dejinta ee golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ansixinta ajandahan ayaa muhiim u ah howlaha sharci-dejinta ee golaha



Fadhigii saaka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Mudane Siciid Faarax Mire (Giirre), ayaa si rasmi ah loogu ansixiyey ajandaha kalfadhiga 14aad ee golaha.


 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 43 mudane ay fadhiga soo xaadireen, kuwaas oo 38 ka mid ahi ay oggolaadeen ajandaha, halka 4 mudane ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna aanu codeyn, sidaas ayaanay ku ansaxday ajandaha.



 

Ansixinta ajandahan ayaa muhiim u ah howlaha sharci-dejinta ee golaha, maadaama uu hagayo qodobada iyo arrimaha ay mudanayaashu ka shaqeyn doonaan muddada kalfadhigan.


 

Waxaa la filayaa in kalfadhigan 14aad lagu falanqeeyo arrimo muhiim ah oo la xidhiidha sharciyada dalka, horumarinta nidaamka dowliga ah iyo danaha guud ee shacabka Somaliland.


 

Tallaabadan ayaa muujinaysa sii socoshada shaqada Golaha Wakiillada iyo doorkooda muhiimka ah ee dhismaha sharciyada iyo horumarinta qaranka.

Loading...
Loading...