DEG DEG: Siyaasiyiinta UAE Oo Si Weyn U Taageeray Somaliland – Madaxweyne Cirro Oo Weli Ku Sugan Imaaraadka
Warar iyo qoraallo ka soo baxay falanqeeyayaal iyo siyaasiyiin u dhashay Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u muujinaya sida Somaliland loogu arko dal xasiloon oo muhiim u ah Geeska Afrika.
Sawirro iyo qoraallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya in qaar ka mid ah falanqeeyayaasha UAE ay si cad u sheegeen in Somaliland ay tahay tusaale ku dayasho mudan marka la eego xasilloonida, dhismaha dowladnimada iyo rabitaanka shacabka.
Mid ka mid ah qoraallada ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dhowaan yeelan doonto safaarad iyo safiir Carbeed, taas oo muujinaysa isbeddel diblomaasiyadeed oo cusub oo ka curtay Geeska Afrika. Sidoo kale qoraal kale ayaa Somaliland ku tilmaamay dal xor ah oo ku dhisan rabitaanka dadkiisa, inkasta oo ay jiraan caqabado iyo cadaadisyo dibadeed.
Dhanka kale, falanqeeyayaasha siyaasadda ee ka soo jeeda Imaaraadka Carabta ayaa si isa soo taraysa u muujinaya taageero ay u hayaan Somaliland, iyaga oo ku tilmaamaya mid ka mid ah meelaha ugu xasilloon gobolka, isla markaana leh nidaam siyaasadeed oo tartan iyo dimuqraadiyad ku dhisan.
Arrintan ayaa imanaysa xilli Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu weli ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ka wado kulamo la sheegay inay la xidhiidhaan danaha istiraatiijiga ah ee Somaliland.
Soo ifbaxa aragtiyahan iyo hadalladan ka imanaya gudaha UAE ayaa muujinaya in Somaliland si tartiib tartiib ah uga muuqanayso fagaaraha caalamka, gaar ahaan dalalka Carabta, iyadoo loo arko fursad istiraatiiji ah oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Somaliland ayaa sii kasbanaysa indhaha siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha caalamka, gaar ahaan kuwa Imaaraadka, halka safarka Madaxweyne Cirro uu u muuqdo mid sii xoojinaya jihadaas cusub.


0 





