DEG DEG: La-Taliyaha Israa'iil Oo Shaaciyey Qorshe Lagu Taageerayo Somaliland

0
Sunday May 03, 2026 - 11:12:34 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: La-Taliyaha Israa'iil Oo Shaaciyey Qorshe Lagu Taageerayo Somaliland

    Benkemoun ayaa sheegay in hawshiisu tahay kor u qaadista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Benkemoun ayaa sheegay in hawshiisu tahay kor u qaadista

 



Asher Benkemoun, oo ah la-taliyaha Israa’iil ee dhinacyada difaaca, arrimaha dibadda iyo maalgashiga, ayaa si cad u sheegay qorshe istiraatiiji ah oo ku wajahan taageerada Somaliland, isaga oo tilmaamay in diiradda la saarayo sidii dalka loogu soo jiidi lahaa aqoonsi iyo maalgashi caalami ah.



 

Benkemoun ayaa sheegay in hawshiisu tahay kor u qaadista muuqaalka Somaliland ee fagaaraha caalamka, si ay u gaadho aqoonsi ballaadhan oo suurtogal ah, isaga oo tilmaamay inuu ka bilaabi doono waddamada saaxiibka dhow la ah Israa’iil.


 

"Hawshaydu waa inaan Somaliland sare u qaado si ay uga muuqato fagaaraha caalamka, isla markaana u gaadho aqoonsiga ugu ballaadhan ee suurtogalka ah,” ayuu yidhi.


 

Waxa uu sidoo kale xusay in qorshahan uu ku salaysan yahay xoojinta xasilloonida amni iyo dhaqaale, si loo soo jiito maalgashadayaasha Israa’iil iyo Maraykan, kuwaas oo uu sheegay inay fursad ka arki karaan Somaliland.


 

Ujeeddada qorshahan ayaa ah in la maalgeliyo dhul hodan ku ah kheyraad dabiici ah oo aan weli si buuxda looga faa’iidaysan, taas oo uu ku tilmaamay fursad weyn oo horumarineed.


 

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan dadaallada Somaliland ee ku aaddan aqoonsi raadinta iyo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah, iyadoo arrintan ay dhalisay falcelin iyo xiiso ballaadhan.

Loading...
Loading...