DEG DEG: Safarkii Madaxweyne Cirro Ee UAE Oo Isu Beddelay Mid Shaqo – Natiijooyin La Sugayo

0
Sunday May 03, 2026 - 11:08:59 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Safarkii Madaxweyne Cirro Ee UAE Oo Isu Beddelay Mid Shaqo – Natiijooyin La Sugayo

    Kulamada uu Madaxweynaha la yeeshay dhinacyada kala duwan ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulamada uu Madaxweynaha la yeeshay dhinacyada kala duwan ayaa



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo muddo safar ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inuu halkaasi kulamo muhiim ah kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda UAE iyo saraakiil sarsare oo caalami ah.


 

Inkasta oo safarka Madaxweynaha markii hore lagu sheegay mid shaqsi ah, haddana wararka ka imanaya ayaa muujinaya inuu isu beddelay safar shaqo oo xambaarsan arrimo muhiim u ah danaha qaranka Somaliland.



 

Kulamada uu Madaxweynaha la yeeshay dhinacyada kala duwan ayaa la rumeysan yahay inay diiradda saareen iskaashi dhaqaale, maalgashi iyo arrimo diblomaasiyadeed oo muhiim ah.


 

Shacabka Somaliland ayaa si weyn u sugaya natiijooyinka ka soo baxa safarkan, iyada oo la filayo in Madaxweyne Cirro iyo waftigiisu ay dhawaan dib ugu soo laabtaan dalka maalmaha soo socda.


 

Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo kaalin ka qaadan kara xoojinta xidhiidhka caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland.

Loading...
Loading...