Xus: Maalintii Geeridii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Maanta waxa ay ku beegan tahay maalintii uu geeriyooday Alle ha u naxariiste Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo ahaa haldoor door weyn ka qaatay dhismaha iyo adkaynta dawladnimada Somaliland.
Madaxweyne Cigaal waxa uu caan ku ahaa hoggaamintiisii dhisnayd, isaga oo hirgeliyey tiirarka muhiimka u ah jiritaanka qaranimada Somaliland, sida calanka Qaranka ee ay ku xardhan tahay kalimada Tawxiidka, dastuurka dalka, lacagta qaranka iyo dhismaha Ciidanka Qaranka ee qalabka sida.
Xilligii uu hoggaanka hayay, Somaliland waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu dhisay hay’adaha dowliga ah iyo nidaamka maamul ee dalka, taas oo saldhig u noqotay horumarka maanta la joogo.
Sidoo kale, bisha aynu ku jirno ee May ayaa ah mid si gaar ah ugu weyn shacabka Somaliland, maadaama lagu xuso maalinta qaranimada ee 18-ka May, taas oo ay door weyn ku lahayd hoggaamintii Madaxweyne Cigaal.
Waxa xusid mudan in tacabka iyo dadaalkii uu dalka geliyey ay ka mid yihiin waxyaabaha horseeday in Somaliland maanta gaadho heer ay ku kasbato sumcad iyo aqoonsi caalami ah oo sii kobcaya.
Ugu dambayn, dhammaan madaxweynayaashii dalka soo maray ee geeriyooday Alle ha u naxariisto, kuwa noolna Ilaahay ha siiyo caafimaad iyo cimri dheer, shacabka Somaliland-na waxa ay si joogto ah u muujiyaan ixtiraam iyo xushmad ay u hayaan hoggaamiyeyaashoodii.
Alle ha u naxariisto Madaxweyne Cigaal, Jannatul Firdowsa ha ka waraabiyo.


0 





