DEG DEG: Dowladda Soomaaliya Oo Saraakiil U Dirtay Deegaanka Ugunji Ee Sh/Hoose
Tallaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda
Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, Col. Cabdicasiis Meletari, u dirtay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii ciidamada dowladda ay shalay la wareegeen deegaankaasi, iyagoo sii xoojinaya joogitaankooda iyo amniga goobta.
Wararka ayaa tilmaamaya in saraakiishan loo diray ay ka shaqayn doonaan sugidda amniga iyo dejinta xaaladda deegaanka Ugunji, si loo xasiliyo goobta kadib howlgalladii ka dhacay.
Loading...
Loading...


0 





