Lacagta waa la helaa oo la waayaa, laakiin miyayna tani kasii xumayn?
Daqiiqad kasta oo aad haysato noloshaada, waxay ka qaalisan...
Bal suuree, nin ayaa dhexsocda suuqa. wuxuu lugaynayaa meel ilyartu isqabatay. Afarta jeeb lacag ayaa uga buuxda.
Inyar marka uu socdaba, inta uu istaago ayaa uu jeebka gacanta galinayaa. Lacag ayaa uu soo saarayaa, wuuna tuurayaa. Isaga oo socda ayaa uu soo saarayaa lacag, wuu kala jeexayaa oo saydhinayaa .
Mararka qaar, mar kasta oo uu joogsado, lacag doollar ah ayaa uu soo bixinayaa oo uu hawada ku kala firdhinayaa!
Ninka noocaas ah, maxaad ugu yeedhi lahayd/ ku magacaabi lahayd?
Waxaynu ugu yeedhi karnaa, nin waalan, doqon, qof liita... Laakiin Wallaahi, waxaa jira nin ka daran, ka daqonsan oo ka axmaqsan, waana KA DAYACA WAQTIGIISA! Maxaa yeelay, lacagta waa la soo celin karaa ama dib ayaa loo kasban karaa , laakiin waqtigu weligii ma soo noqdo.
Daqiiqad kasta oo aad haysato noloshaada, waxay ka qaalisan tahay wax kasta oo aad haysato; Illaahayna wuu eegayaa halka aad ku bixiso. Taasina, maaha sida mashquul badan kaaga muuqdo, maaha sida waxsoosaar badan kaaga muuqdo, balse muhiimaddu waxa weeyi: daqiiqaddaasi ma kuu dhawaysay Alle mise way kaa fogaysay!
W/T: Maxamed Haybe Axmed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





