WAR KOOBAN: Fannaanad Sahra Halgan Oo Ka Mid Ah Haldoorkii 18 May

0
Saturday May 02, 2026 - 11:38:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR KOOBAN: Fannaanad Sahra Halgan Oo Ka Mid Ah Haldoorkii 18 May

    35 sano kaddib, Sahra Halgan weli waxay ka mid tahay fannaaniinta ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

35 sano kaddib, Sahra Halgan weli waxay ka mid tahay fannaaniinta ...

May be an image of one or more people and text that says 'SLOTV SLO M SINTU'



Fannaanadda caanka ah ee Sahra Halgan ayaa ka mid ahayd haldoorkii goob-joogga ka ahaa shirkii lagaga dhawaaqay goonni-isu-taagga Somaliland 18 May 1991, iyadoo door muuqda ka qaadatay heesihii halganka ee dhiirrigelinta shacabka.


 

35 sano kaddib, Sahra Halgan weli waxay ka mid tahay fannaaniinta u adeegsada hibadooda faneed difaaca qarannimada iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.


 

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa sheegtay inay si maalinle ah u soo bandhigi doonto sawirrada haldoorka ka qayb galay xilligii dib-ula-soo-noqoshada qarannimada, iyadoo sawirradu ka mid yihiin keydka wasaaradda.


 

Sawirradan waxaa qaaday suxufi sare Xasan Shukri, waxaana xuquuqdooda iska leh Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Loading...
Loading...