WAR CUSUB: Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Doorka Farsamo-yaqaannada Iyo Shaqo La'aanta

0
Saturday May 02, 2026 - 11:20:47 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR CUSUB: Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Doorka Farsamo-yaqaannada Iyo Shaqo La'aanta

    Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, ayuu ku yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, ayuu ku yidhi



Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Hirsi Ali Haji Hassan, ayaa ka hadlay muhiimadda ay farsamo-yaqaannadu u leeyihiin horumarka dalka, isaga oo iftiimiyay caqabadaha ka jira shaqo la’aanta iyo fahamka bulshada ee shaqooyinka farsamada.


 

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in bulshada Somaliland ay weli hoos u dhigto qiimaha farsamo-yaqaannada, taas oo uu sheegay inay sabab u tahay dib u dhac horumarineed iyo dhiirrigelin la’aan ku timaadda xirfadaha wax-soo-saarka leh.



 

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, ayuu ku yidhi: "Waxa aynnu nahay bulsho dadkeeda farsamo-yaqaanka ah hoos u dhigta oo yasta, taas ayaana sabab u ah in aynnu horumar u tallaabsan weyno. In aynnu dhiirrigelin wayno xirfadlayaasheenna waa halka aynnu maanta ka taagan nahay.”


 

Sidoo kale, wuxuu xusay in caqabadda kale ay tahay isku darka shaqo la’aan iyo shaqaale la’aan, isagoo tilmaamay in dhalinyaro badan ay ka gaabsadaan shaqooyinka farsamada, taas oo keenta in mararka qaar loo baahdo shaqaale ajaanib ah.


 

Ugu dambayn, Guddoomiyaha WADDANI ayaa ku baaqay in la beddelo aragtida laga qabo shaqooyinka farsamada, lana dhiirrigeliyo dhalinyarada si ay ugu jihaystaan xirfadaha wax-soo-saarka leh, kuwaas oo laf-dhabar u ah koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Loading...
Loading...