WAR KOOBAN: Xoghayaha Hargeysa Oo Ku Baaqay In Maalgashiga Loo Leexiyo Beeraha

0
Saturday May 02, 2026 - 11:13:29 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 21
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR KOOBAN: Xoghayaha Hargeysa Oo Ku Baaqay In Maalgashiga Loo Leexiyo Beeraha

    Xoghayaha ayaa xusay in dhismeyaashu si weyn u kordheen ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha ayaa xusay in dhismeyaashu si weyn u kordheen ..


Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, Mukhtaar Booshcadde, ayaa ku baaqay in maalgashiga dalka loo weeciyo dhinaca beeraha, si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha loona xoojiyo dhaqaalaha qaranka.


 

Xoghayaha ayaa xusay in dhismeyaashu si weyn u kordheen sannadihii u dambeeyey, maadaama ay dadku u arkaan fursad ganacsi oo faa’iido leh, balse loo baahan yahay in qayb ka mid ah maalgashigaas loo leexiyo beeraha.



 

Wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la abuuro fursado dhaqaale oo kala duwan, isaga oo yidhi: "Dhismaha ayaa noqday il dhaqaale oo weyn, hase yeeshee waa lama huraan in aynu abuurno fursado kale, gaar ahaan beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka dalka.”

Loading...
Loading...