WAR CUSUB: Warbixin Caalami Ah Oo Somaliland Ku Tilmaantay Awood Istiraatiji Ah
Warbixin caalami ah ayaa Somaliland ku tilmaantay awood weyn oo ku taalla Geeska Afrika, isla markaana si xawli ah ugu soo biireysa saaxadda awoodda caalamiga ah, iyadoo leh muhiimad istiraatijiyadeed oo la xidhiidha tamarta, ganacsiga iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Sida ay sheegtay BBC Chinese, Somaliland waxay ku taallaa goob juqraafi ahaan muhiim ah oo isku xidha Gacanka Cadmeed, Badda Cas, Kanaalka Suways iyo Badweynta Hindiya, taas oo ka dhigaysa meel muhiim u ah amniga iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad dabiici ah oo ay ka mid yihiin macdanta raraha (Rare Earth Elements), kuwaas oo muhiim u ah warshadaha tiknoolajiyadda sare iyo horumarinta tamarta casriga ah.
Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in Somaliland ay si weyn u soo jiidatay xiisaha quwadaha waaweyn ee caalamka, iyadoo lagu tilmaamay meel muhiim u ah tartanka ku saabsan kheyraadka, tamarta iyo saameynta istiraatijiyadeed ee gobolka.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in xidhiidhada cusub ee diblomaasiyadeed, oo ay ku jiraan kuwa la xidhiidha Israel, ay door ka qaadanayaan dhismaha istiraatijiyad cusub oo gobolka ah, isla markaana ay saameyn ku leeyihiin xidhiidhka u dhexeeya quwadaha sida Mareykanka, Taiwan iyo Shiinaha.
Ugu dambayn, warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in Somaliland ay noqotay goob muhiim ah oo ku dhex jirta tartanka awoodaha caalamiga ah, isla markaana mustaqbalka la filayo inay sii xoojiso kaalinteeda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Geeska Afrika.


0 





