WAR KOOBAN: Wasaaradda Warfaafinta Oo Bilowday Soo Bandhigga Sawirrada Haldoorka 18 May

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa shaacisay inay si maalinle ah u soo bandhigi doonto sawirrada haldoorkii ka qayb galay madashii lagu dhawaaqay dib-ula-soo-noqoshada qarannimada Somaliland ee magaalada Burco sannadkii 1991.
Sawirka ugu horreeya ee maanta (Jimce, 1-da May) ayaa ah Sheekhal Baladka Boorama, Sheekh Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar (AHN), oo ka warramaya sida ay reer Awdal uga go’nayd dib-ula-soo-noqoshada xorriyadda Somaliland, iyo dhibaatooyinkii ka dhashay midowgii Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in maalin kasta la soo bandhigi doono sawir taariikhi ah oo la xidhiidha 18 May iyo halgankii dib-ula-soo-noqoshada qarannimada.
Xuquuqda sawirrada ayaa u dhowrsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo keydka sawirrada ee uu diyaariyey suxufi sare Xasan Shukri.


0 





