WAR CUSUB: Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Guulaha Somaliland Ku Salaysan Yihiin "Aqoonsi iyo Adkaysi"
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Barkhad Jama Batuun, ayaa si faahfaahsan uga hadlay guulaha ay Somaliland gaadhay, isaga oo carrabka ku adkeeyey in ay salka ku hayaan aqoonsi caalami ah iyo adkaysi qaran.
Wasiirku waxa uu sheegay in horumarka muuqda ee dalka iyo guulaha siyaasadeed ee la gaadhay ay ka tarjumayaan dedaalka joogtada ah ee shacabka Somaliland ugu jiraan ilaalinta qarannimadooda iyo jiritaanka dalkooda.
Wasiir Barkhad Batuun ayaa si cad u muujiyey muhiimadda ay leedahay midnimada iyo adkaysigu, isaga oo xusay hal-ku-dhigga sannadkan: "Aqoonsi iyo Adkaysi.”
Isaga oo sii faahfaahinaya, waxa uu yidhi: "Guusha maanta qarankeenu haysta waa aqoonsi caalami ah, guusha maanta madaxweynaheenu keenay waa aqoonsi caalami ah, guusha shacabku sannadkan u dabaal-degayaa waa aqoonsi caalami ah.”
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in shacabka Somaliland ay dunida u muujiyeen adkaysi iyo go’aan adag, isaga oo yidhi: "Waxa aynu dunida tusayna in aynu nahay dad ku adkeystay ilaalinta qarannimaddooda, haddana adkaysanaya aqoonsigooda iyo jiritaanka dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland.”


0 





