WAR KOOBAN: Xujayda Somaliland Oo Laga Sagootiyay Madaarka Hargeysa
Masuuliyiintu waxay xujayda u rajeeyeen safar nabdoon
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Mudane Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac (Baashe), oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Sheekh Ayaanle Xasan Axmed, ayaa saaka Madaarka Hargeysa ku sagootiyey dufcaddii koowaad ee xujayda Somaliland ee u ambabaxday gudashada waajibaadka Xajka sanadkan 1447-H (2026).
Masuuliyiintu waxay xujayda u rajeeyeen safar nabdoon iyo cibaado sugan, iyagoo Alle uga baryay inuu ka aqbalo acmaashooda wanaagsan.
Sidoo kale, waxay ku dardaarmeen inay ilaaliyaan nidaamka, midnimada iyo sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland inta ay ku guda jiraan socdaalkooda barakaysan.
Loading...
Loading...


0 





