WAR CUSUB: Warbaahin Caalami Ah Oo Sheegtay in Dalal Aqoonsanayaan Somaliland Bisha May

0
Friday May 01, 2026 - 15:07:55 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR CUSUB: Warbaahin Caalami Ah Oo Sheegtay in Dalal Aqoonsanayaan Somaliland Bisha May

    Warbixinta ayaa sheegtay in labada dal ay yihiin kuwo miisaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinta ayaa sheegtay in labada dal ay yihiin kuwo miisaan



Warbaahinta AfriNews 24 ayaa soo xigatay ilo diblomaasiyadeed oo tilmaamaya in isbeddel weyn ku soo fool leeyahay maqaamka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo la sheegay in laba waddan qorsheynayaan inay aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland bisha May.


 

Warbixinta ayaa sheegtay in labada dal ay yihiin kuwo miisaan culus ku leh siyaasadda caalamiga ah, midkoodna uu ka tirsan yahay Midowga Yurub, halka kan kalena uu yahay dal Afrikaan ah, taas oo ka dhigaysa tallaabo diblomaasiyadeed oo weyn.



 

Sidoo kale, xogtan oo uu turjumay Wargeyska Dawan ayaa tilmaamaysa in mas’uuliyiinta dalalkan iyo Somaliland ay hore u gaadheen heshiisyo la xidhiidha aqoonsiga, isla markaana hadda la sugayo waqtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono.


 

Warbixintu waxay intaas ku dartay in arrintan ay xidhiidh la leedahay iskaashi cusub oo u dhexeeya Israel iyo Somaliland, kaas oo la sheegay inuu door ku leeyahay xoojinta xidhiidhada siyaasadeed iyo dhaqaale.


 

Dhanka kale, waxaa la sheegay in safar uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay United Arab Emirates uu qayb ka yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, inkasta oo aan si rasmi ah faahfaahin looga bixin.

Loading...
Loading...