DEG DEG: Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Hambalyo U Diray Shaqaalaha
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa shaqaalaha ku ammaanay
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, ayaa munaasibadda Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka ka jeediyey hadal hambalyo iyo bogaadin ah oo uu u diray guud ahaan shaqaalaha Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa shaqaalaha ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan horumarka dalka, dhismaha qaranka iyo adeegga bulshada, isagoo sidoo kale Alle uga baryey in sannadka sannadkiisa lagu gaadho caafimaad iyo nabad.
Wuxuu yidhi: "Ugu horrayn, waxa aan idinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxana aan idin leeyahay sannadkan sannadkiisa Ilaahay caafimaad qab ha inagu gaadhsiiyo.”
Loading...
Loading...


0 





