WAR CUSUB: Wasiir Ku Xigeenka Xannaanada Xoolaha Oo Furay Kulan Lagu Qiimaynayo Horumarka Xoolaha

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Mudane Cali Axmed Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan wada-tashi ah oo lagu qiimaynayo caqabadaha iyo fursadaha horumarineed ee ka jira waaxda xoolaha.
Kulankan oo qayb ka ah mashruuca BARWAAQO, laguna qabtay Carro Edeg Hotel ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb galay daneeyayaal kala duwan oo ka kala socday hay’adaha dowladda, ururrada bulshada iyo khubaro ku takhasustay arrimaha xoolaha iyo horumarinta reer miyiga.
Wasiir ku xigeenka ayaa khudbaddiisa ku muujiyey in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, isagoo xusay in horumarinta waaxdani ay door weyn ka qaadanayso kobaca dhaqaalaha iyo nolol-wanaagga bulshada reer miyiga.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada daneeyayaasha, si loo xoojiyo maaraynta biyaha, loo kordhiyo wax-soo-saarka xoolaha, loona horumariyo adeegyada la xidhiidha.


0 





