WAR KOOBAN: Cashuuraha Barriga Togdheer Oo Sameeyay Kor U Kac Weyn 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa sheegay in cashuuraha barriga ee gobolka Togdheer ay sannadkii 2025 sameeyeen kor u kac weyn marka loo eego sanadihii hore.
Agaasimaha ayaa xusay in sanadihii ka horreeyay ay cashuuruhu hoos u dhac ku jireen, balse hadda la arkayo isbeddel muuqda oo dhinaca dakhli ururinta ah.
Wuxuu tilmaamay in kobocaasi uu ka dhashay horumar laga sameeyay maamulka cashuuraha, habraacyada ururinta iyo dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maaliyadeed ee gobolka.
Wuxuu yidhi: "Marka aynu eegno sanadkii 2025-ka, gobolkani Togdheer cashuurihiisa barriga waxay sameeyeen kor u kac weyn; sanadihii horena waxay ku jireen hoos u dhac.”


0 





