WAR CUSUB: Duqa Hargeysa Oo Ka Qaybgalay Shir Caalami Ah Oo Ku Saabsan Maaraynta Qashinka

0
Friday May 01, 2026 - 11:45:41 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR CUSUB: Duqa Hargeysa Oo Ka Qaybgalay Shir Caalami Ah Oo Ku Saabsan Maaraynta Qashinka

    Hindisahan ayaa si toos ah ula jaanqaadaya himilada Dawladda...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hindisahan ayaa si toos ah ula jaanqaadaya himilada Dawladda...


May be an image of one or more people and suit


Wafti uu hoggaaminayo Duqa Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge, isla markaana ay weheliyaan agaasimayaal iyo injineerro ka socda Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa ka qaybgalay shir maalgashi iyo iskaashi oo ku saabsan maaraynta qashinka oo ka socda magaalada Addis Ababa.


 

Kulankan ayaa yimid kadib in ka badan laba bilood oo wada-xaajood iyo iskaashi socday, kuwaas oo ay ku jireen ururin xogeed, daraasado cilmiyeed iyo qiimayn farsamo, si loo helo xal waara oo wax ku ool ah oo loogu talagalay maaraynta qashinka magaalada Hargeysa.


 

Hindisahan ayaa si toos ah ula jaanqaadaya himilada Dawladda Hoose ee Hargeysa ee ah dhismaha magaalo cagaaran, nadiif ah oo deegaan ahaan waarta.


 

Shirka ayaa si rasmi ah u furmay maanta, waxaana la qorsheeyay inuu socdo saddexda maalmood ee soo socda, iyadoo lagu falanqaynayo arrimo farsamo, la is waafajinayo istaraatiijiyadaha, isla markaana la sahaminayo fursadaha maalgashi ee lagu horumarin karo nidaamka maaraynta qashinka ee magaalada Hargeysa.

Loading...
Loading...