Nuxurka Kulan Raysal Wasaare Khayre Muqdisho Kula Qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

0
Monday August 05, 2019 - 20:36:22 in News by
  • Visits: 1619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Raysal Wasaare Khayre Muqdisho Kula Qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

    Nuxurka Kulan Raysal Wasaare Khayre Muqdisho Kula Qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Kulan Raysal Wasaare Khayre Muqdisho Kula Qaatay Ku-Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

Muqdisho(HWN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo Muqdisho soo gaaray.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisada iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.

David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah oo ku dhisan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...