DEG DEG: Wasiirka Hawlaha Guud Somaliland Oo La Kulmay Shirkado Ka Socda Israa'iil

0
Thursday April 30, 2026 - 17:18:20 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 58
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasiirka Hawlaha Guud Somaliland Oo La Kulmay Shirkado Ka Socda Israa'iil

    Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo samayn lahaa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo samayn lahaa...



Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka kala socday shirkadaha Royal Diamonds Group Ltd iyo UL-TEC TRADING oo xaruntoodu tahay dalka Israel.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo samayn lahaa iskaashi iyo wada-shaqayn u dhexeysa Wasaaradda Hawlaha Guud iyo shirkadahaasi, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, dhulka iyo guriyeynta.



 

Shirka oo uu shir-guddoominayay wasiirka ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Royal Diamonds Group Ltd, Mr. David Patish, Maamulaha UL-TEC TRADING, Mr. Nir Sadeh, Madaxa Somaliland Invest & Trade iyo Xoghayaha gaarka ah ee wasiirka.


 

Wasiirka Hawlaha Guud ayaa uga mahadceliyay madaxda shirkadaha booqashadooda iyo xiisaha ay u muujiyeen iskaashiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqayntu si loo horumariyo kaabayaasha dalka.

Loading...
Loading...