DEG DEG: Baligubadle Oo Laga Bilaabay Dhismaha Jid Casri Ah
Hirgelinta mashruucan waxaa si wadajir ah u fulinaya ..
Mashruuca dhismaha jid casri ah ayaa saaka aroortii hore si rasmi ah uga bilowday magaalada Baligubadle, xarunta gobolka Hawd.
Hirgelinta mashruucan waxaa si wadajir ah u fulinaya maayerka degmada iyo golaha deegaanka, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socday hay’adda waddooyinka Somaliland oo door muhiim ah ku leh fulinta mashruuca.
Jidkan cusub ayaa la filayaa inuu wax weyn ka tari doono isku socodka gaadiidka, kobcinta ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada ee magaalada Baligubadle iyo deegaannada ku xeeran.
Loading...
Loading...


0 





