DEG DEG: Guddoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Oo Sheegay In Muddo Kordhintu Tahay Mid Sharci Ah

0
Thursday April 30, 2026 - 17:13:14 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Guddoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Oo Sheegay In Muddo Kordhintu Tahay Mid Sharci Ah

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Koomishanku ku shaqaynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Koomishanku ku shaqaynayo


Guddoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf, ayaa caddeeyay in muddo kordhintii Golaha Guurtidu ay waafaqsan tahay nidaamka sharci iyo dastuur ee dalka, gaar ahaan Xeer/91 oo tilmaamaya habka loo maro marka doorasho aan waqtigeeda ku qabsoomin.


 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Koomishanku farsamo ahaan codsaday muddo 10 bilood ah oo lagu qaban karo doorashada iyo diiwaangelinta, isla markaana arrintaasi loo gudbiyay Madaxweynaha, kadibna uu u sii gudbiyay Golaha Guurtida oo waajibaadkooda dastuuriga ah gutay.



 

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Koomishanku ku shaqaynayo sharciga oo keliya, isla markaana aysan jirin wax ka baxsan nidaamka sharci ee ay ku hawlgalaan.


 

Muuse Xasan Yuusuf ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada inay u midoobaan horumarka iyo taageeridda geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo xusay in Koomishanku sii wadi doono shaqadiisa ilaa inta sharcigu waajibinayo.


 

Wuxuu yidhi: "Arrintaasi waa nidaam sharci oo sida uu dhigayo Xeer/91, doorashada aan xilligeedii ku qabsoomeyn waxa aanu gudbinay wakhtiga farsamo ee aanu u baahannahay, Madaxweynaha ayaana u gudbiyay Golaha Guurtida, iyaguna waajibaadkooda way guteen. Anaguna 10 bilood ayaan codsanay si aanu ugu qabanno doorashada iyo diiwaangelinta.”

Loading...
Loading...