DEG DEG: Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Colaadda Xaysimo

0
Thursday April 30, 2026 - 17:09:18 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha Oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Colaadda Xaysimo

    Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kulan warbaahineed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kulan warbaahineed


Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Magaalo, ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ka hor timaadda amarrada dowladda, isagoo sheegay in ciidamada amniga loo fasaxay inay qaadaan tallaabooyin sharciga waafaqsan cid kasta oo ku lug yeelata hurinta colaadda ka taagan deegaanka Xaysimo.


 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kulan warbaahineed oo uu ku qabtay magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu kaga hadlay shaqaaqo u dhexeysa laba beelood, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda lana ixtiraamo amarrada ciidamada si loo sugo amniga iyo xasilloonida deegaanka.



 

Wuxuu sidoo kale xusay in xukuumaddu mar walba ku dadaasho xalinta khilaafaadka noocan ah iyadoo adeegsanaysa waddooyin nabadeed, isla markaana ay mudnaanta siiso wada-hadalka iyo is-afgaradka.


 

Cabdirashiid Magaalo ayaa ugu baaqay beelaha ay dhibaatadu saamaysay inay ilaashadaan nabaddooda, isagoo ku tilmaamay inay yihiin hal qoys oo aan kala maarmin, isla markaana digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay sii huriso colaadda.


 

Wuxuu yidhi: "Ciddii qaadan wayda amarka dowladda, ciidamadu waxay amar ku haystaan inay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan. Waa in colaadda la joojiyo lana maqlo amarka ciidamada. Dadkani waa hal qoys oo aan kala guurayn, cid kasta oo colaaddooda ka shaqaysana iyadaa khasaari doonta.”

Loading...
Loading...