DEG DEG: Hay'adda Wadooyinka Somaliland Oo Shaacisay In Daraasadda Waddada Oodweyne–Hargeysa–Burco La Soo Gabagabeeyay
Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Faraax, oo ku sugan magaalada Burco, ayaa sheegay in baahida ugu weyn ee ka jirta gobolka Togdheer ay tahay dhismaha waddada isku xirta Oodweyne, Hargeysa iyo Burco.
Maareeyuhu waxa uu xusay in daraasaddii waddadan ay si rasmi ah u soo dhammaatay, isla markaana ay marayso heerkii ugu dambeeyay, isagoo tilmaamay in natiijada daraasadda la soo bandhigi doono maalmaha Axadda ama Isniinta.
Wuxuu caddeeyay in tallaabada xigta ay noqon doonto bilaabista dhismaha waddada, taas oo loo arko mashruuc muhiim u ah isku socodka iyo horumarka gobolka.
Maxamed Faraax ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu culays weyn saaray hirgelinta mashruucan, isla markaana uu si gaar ah uga welwelsan yahay sidii loo dhaqan gelin lahaa.
Wuxuu yidhi: "Baahida ugu weyn ee Gobolka Togdheer qabaa waa waddada Oodweyne–Hargeysa–Burco, maanta daraasaddii waddadaasi way soo dhammaatay, gabogabo ayay maraysaa, Axadda ama Isniinta ayaana soo bandhigi doonaa, intaa ka dibna waxa xigi doona in dhismaha la bilaabo.”


0 





