DEG DEG: Donald Trump Oo Ka Fiirsanaya Inuu Dhimo Ciidamada Maraykanka Ee Germany
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dalkiisu "ka fiirsanayo” in la dhimo kumannaan askari oo Maraykan ah oo ku sugan dalka Germany, isagoo arrintan ku shaaciyay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Germany, Friedrich Merz, uu dhaliilay qaabka Maraykanku u wajahayo xiisadda la xidhiidha Iran, isaga oo sheegay in Washington aanay lahayn istaraatiijiyad cad.
Trump ayaa sheegay in maamulka Maraykanku uu qiimaynayo suurtagalnimada dhimista ciidamada ku sugan Germany, isla markaana go’aan kama dambays ah laga gaadhi doono muddada dhow. Maraykanka ayaa muddo dheer saldhigyo muhiim ah ku lahaa Germany, waxaana halkaas ku sugan in ka badan 36,000 oo askari oo Maraykan ah.
Ra’iisul Wasaare Merz ayaa sheegay in Maraykanku aanu si cad u lahayn qorshe istaraatiiji ah oo ku saabsan Iran, taas oo Trump kaga jawaabay qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, isaga oo ku eedeeyay Merz in hadalkiisu u muuqdo mid u oggolaanaya Iran inay hesho hub nukliyeer ah.
Sidoo kale, warbaahinta BBC ayaa sheegtay inay la xidhiidhay Aqalka Cad si ay faallo uga hesho arrintan, balse aan wax jawaab ah laga helin.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Trump uu si joogto ah u dhaliilayo NATO, isaga oo ku eedeeyay inaan si cadaalad ah loo qaybsan masuuliyadda amniga, isla markaana Maraykanku aanu kaligiis qaadi karin culayska difaaca Yurub.


0 





