DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Adkeeyay Doorka Waddaniyadda
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab "Sandheere”, ayaa sheegay in waddaniyaddu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka iyo jiritaanka qaranimada, isagoo xusay in aysan ahayn erayo afka laga yidhaahdo balse ay tahay ficil dhab ah oo lagu muujiyo jacaylka dalka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in haddii aan la helin waddan-jaceyl dhab ah, aanu dalku gaadhi karin horumar muuqda, isla markaana bulshooyinka dunida ay qiimeeyaan dhalinyarada leh dareen waddaniyadeed oo sare.
Wuxuu yidhi: "Waddaniyaddu maaha wax afka laga yidhaahdo, haddii aan waddan jaceyl jirin waddankaas ma horumaro, dunidu way xustaa dhalinyarada jiritaankoodu qaaliga ku yahay iyo dadka waddaniyadooda sare usoo qaaday.”


0 





