DEG DEG: Wasaaradda Biyaha Somaliland Iyo Concern Worldwide Oo Xoojinaya Wada Shaqaynta

0
Wednesday April 29, 2026 - 02:59:15 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasaaradda Biyaha Somaliland Iyo Concern Worldwide Oo Xoojinaya Wada Shaqaynta

    Kulanka ayaa ku bilaabmay mahadcelin ay hay'addu u jeedisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa ku bilaabmay mahadcelin ay hay'addu u jeedisay

May be an image of one or more people, newsroom and text



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa kulan shaqo oo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socday Concern Worldwide, kuwaas oo uu hoggaaminayay Maamulaha Guud ee xafiiska Somaliland, Mr. Kenneth.


Kulanka ayaa ku bilaabmay mahadcelin ay hay’addu u jeedisay Agaasimaha Guud, iyagoo ku bogaadiyay wada shaqayntii wanaagsanayd ee ay hore u lahaayeen, gaar ahaan xilligii uu ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.


Intii uu kulanku socday, hay’addu waxay sidoo kale Agaasimaha ku maamuustay shahaado sharaf, taas oo muujinaysa qadarin iyo aqoonsi ku aaddan kaalintii uu ka qaatay horumarinta adeegyada bulshada.


Masuuliyiinta Concern Worldwide ayaa warbixin ka bixiyay mashaariicda ay ka wadaan Wasaaradda Horumarinta Biyaha, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha biyo helidda, fayadhowrka iyo nadaafadda (WASH).


Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa muujiyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta wada shaqaynta hay’adda, isagoo ballan qaaday in si wadajir ah looga shaqayn doono sidii bulshada loogu heli lahaa biyo nadiif ah loona horumarin lahaa adeegyada fayadhowrka iyo nadaafadda dalka.

Loading...
Loading...