DEG DEG: Xisbiga WADDANI Iyo Ururrada Shaqaalaha Oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi Taariikhi Ah

Qoraal ka soo baxay Xisbiga Muxaafidka ah ee WADDANI ayaa lagu faahfaahiyey heshiis iskaashi oo ay wada gaadheen Xisbiga WADDANI iyo Xidhiidhka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland, kaas oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah.
Heshiiskan ayaa ka qabsoomay hoolka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL galabnimadii 27 April 2026, kadib dedaallo muddo dheer soo socday oo ay labada dhinac ku doonayeen xoojinta wada shaqaynta iyo xaqiijinta xuquuqda shaqaalaha.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in ururrada shaqaaluhu muddo dheer baadi-goob ugu jireen hannaan ay ku hantaan xuquuqdooda dastuuriga ah isla markaana ay ku horumariyaan awooddooda, halka Xisbiga WADDANI uu isna fulinayey ballan-qaadyadiisii siyaasadeed ee ku saabsanaa shaqaalaha iyo xuquuqdooda.
Sidoo kale, Xidhiidhka Guud ee Ururrada Shaqaalaha ayaa wadahadallo la yeeshay saddexda xisbi qaran, balse ugu dambayn ku qancay aragtida iyo siyaasadda Xisbiga WADDANI.
Heshiiskan oo ah mid hordhac ah ayaa gogol-xaadh u ah heshiis rasmi ah oo mustaqbalka la gaadhi doono, waxaana lagu tilmaamay inuu kor u qaadi doono awoodda iyo qiimaha shaqaalaha Somaliland, isla markaana uu u horseedi doono inay helaan saameyn muuqata oo dhinaca xukuumadda ah.


0 





