DEG DEG: Xisbiga WADDANI Iyo Ururrada Shaqaalaha Oo Gaadhay Heshiis Iskaashi
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Hirsi Ali Haji Hassan, ayaa si diirran u soo dhaweeyey heshiis iskaashi oo dhex maray Xisbiga WADDANI iyo Xidhiidhka Guud ee Ururrada Shaqaalaha Somaliland.
Guddoomiyaha ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku sheegay in iskaashiga u dhexeeya ururrada shaqaalaha iyo xisbiyada siyaasadda uu yahay arrin caadi ka ah dunida, balse ay Somaliland ku cusub tahay, isagoo muujiyey farxaddiisa ku aaddan heshiiskan hordhaca ah.
Wuxuu tilmaamay in heshiiskan uu ka dhashay dadaal dheer oo ay ururrada shaqaaluhu ugu jireen xaqiijinta jiritaankooda, difaaca xuquuqdooda iyo horumarinta awooddooda.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xisbiga WADDANI uu u fidinayo shaqaalaha Somaliland gogol ay ku noqon karaan bahwadaag siyaasadeed, isla markaana uu doonayo inuu noqdo xisbi si dhab ah u taageera danaha iyo baahiyaha shaqaalaha.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in horumarinta ururrada shaqaalaha ay ka mid ahayd himilooyinka xisbiga, isla markaana ay ka go’an tahay curinta fikrado cusub oo dalka horumar u horseeda.
Ugu dambayn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in wixii hore loo dhibsan jiray maanta loo beddelay iskaashi iyo bahwadaag rasmi ah oo dhex mara xisbiga iyo ururrada shaqaalaha.


0 





