DEG DEG: Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Oo La Wareegay Gaadiid Ku Xayirnaa Degmada Goof

0
Wednesday April 29, 2026 - 02:46:44 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Oo La Wareegay Gaadiid Ku Xayirnaa Degmada Goof

    Wasiiru-dawlaha ayaa gaadiidkaasi ku wareejiyay Boqor Siciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiru-dawlaha ayaa gaadiidkaasi ku wareejiyay Boqor Siciid


May be an image of one or more people and suit


Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), oo uu weheliyo Xoghayaha Fulinta Gobolka Sanaag, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay laba gaadhi oo muddo ku xayirnaa deegaanka Degmada Goof.


 

Gaadiidkan ayaa waxaa ku wareejiyay odayaasha iyo masuuliyiinta degmada, kuwaas oo muujiyay kaalintooda ku aaddan ilaalinta hantida shacabka iyo xoojinta wada shaqaynta amniga.


 

Wasiiru-dawlaha ayaa gaadiidkaasi ku wareejiyay Boqor Siciid Aganje, oo wakiil uga ahaa ganacsatadii lahayd gaadiidka, si loo hubiyo in hantidii dib loogu celiyo mulkiilayaasheedii saxda ahaa.


 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa bogaadisay doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaateen odayaasha, masuuliyiinta iyo bulshada deegaanka, iyagoo muujiyay masuuliyad, wadajir iyo ilaalinta sharciga.


 

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo hay’adaha amniga, si loo sugo nabadgelyo waarta iyo xasilooni guud.

Loading...
Loading...