DEG DEG: Somaliland Iyo UNESCO Oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Dalxiiska Iyo Aasaarta Taariikhiga Ah

0
Wednesday April 29, 2026 - 02:45:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Somaliland Iyo UNESCO Oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Dalxiiska Iyo Aasaarta Taariikhiga Ah

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada

No photo description available.


Kulan maanta ka qabsoomay xarunta United Nations ee magaalada Nairobi ayaa dhexmaray wefti ka socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo UNESCO.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan ilaalinta iyo horumarinta aasaarta qadiimiga ah ee Somaliland, kuwaas oo door weyn ka qaata kobcinta dalxiiska iyo dhaqaalaha dalka.


 

Weftiga Somaliland ayaa UNESCO warbixin ka siiyey goobaha taariikhiga ah ee dalka iyo muhiimadda ay u leeyihiin ilaalinta hidaha qaranka, iyagoo sidoo kale muujiyey fursadaha horumarineed ee ka jira dhinaca dalxiiska.


 

Kulankan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo Somaliland uga faa’iidaysan karto taageerada caalamiga ah, si loo horumariyo dalxiiska loona ilaaliyo dhaxalka taariikhiga ah ee dalka.

May be an image of studying, table, newsroom and text
Loading...
Loading...