Maxaad odhan lahayd haddii wareyste ( interviewer) ku yidhaahdo: waxaad haysataa 10 daqiiqo ee iga yaabi?
Isaga: " waxaan kaa doonayaa oo keliya inaad iga yaabiso".
Isaga: " Soo dhawow Maxamed, waxaad haysataa 10 daqiiqo ee i cajabgali/iga yaabi ."
Aniga: "maxaad uga jeeddaa?"
Isaga: " ku soco oo iga yaabi"
Aniga: " maxaad doonaysaa?"
Isaga: " waxaan kaa doonayaa oo keliya inaad iga yaabiso".
Aniga: " waa hagaag muddane, aan bilaabno saacadda! waxaan jeebka kala soo baxay moobeylkeygii, waxaana ku idhi, " ii qabo 10-ka daqiiqo".
Isaga: " waa laguu qabtay waqtigaagii... waxaa dareen igu haya, waxa dhici doona ama samayn doonto!
waqtigii wuu bilaabmay...
1 daqiiqo... isaga uun eeg ( stare at him)
2 daqiiqo... isaga uun eeg.
3 daqiiqo... isaga uun indha ku hay.
4 daqiiqo... isaga uun ku dhaygag ( stare at him)
5 daqiiqo... isaga uun fiiri.
6 daqiiqo... isaga uun fiiri.
7 daqiiqo... isaga uun fiiri.
8 daqiiqo... isaga uun eeg.
9 daqiiqo... isaga uun fiiri.
10 daqiiqo... isaga uun eeg.
Gambaleelkii moobaylka ayaa dhawaaqay.
Aniga: " waqtigii wuu dhammaaday! ma ku cajabgalisay?
Isaga: " hal kalmadna maad odhane!"
Aniga: " waa hagaag muddane, maadaama aannad lahayn aragti cad oo ku sahabsan waxa aad raadinayso/ doonayso , waxaan go'aansaday in aan kugu cajabgaliyo: dulqaadka cajiib ah ee aan u leeyahay dadka aan lahayn hoggaamin cad. kuwaas oo aan garanayn waxay rabaan.
Ma jeclaan lahayd inaan hadda wada hadal bilowno?” ( would you like to start a conversation now?)
W/T: Maxamed Haybe Axmed .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...


0 





