DEG DEG: Warbaahinta Pan African Visions Oo Sheegtay In Magacaabista Safiirka Israa'iil Ee Somaliland Tahay Isbeddel Istiraatiiji Ah
Warbaahinta Pan African Visions ayaa ku tilmaantay magacaabista safiirka Israa’iil ee Jamhuuriyadda Somaliland, Michael Lotem, inay ka weyn tahay is-weydaarsi diblomaasiyadeed oo caadi ah, isla markaana ay muujinayso isbeddel weyn oo ku yimid dheelitirka awoodda Geeska Afrika iyo bilowga iskaashi istiraatiiji ah.
Warbixintu waxay xustay in tallaabadani ay tahay horumar diblomaasiyadeed oo muuqda oo Somaliland ku tallaabsatay, kadib muddo dheer oo ay ku jirtay halgan aqoonsi raadis ah, iyadoo safiirka cusub uu leeyahay waajibaad la xidhiidha sidii aqoonsiga siyaasadeed loogu beddeli lahaa faa’iidooyin dhab ah oo ku saabsan madax-bannaanida iyo adkeysiga dalka.
Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaantay in safiirka Israa’iil uu door muhiim ah ka qaadan doono dardargelinta iskaashiga dhaqaale, horumarinta adeegyada bulshada, iyo maaraynta arrimaha amniga si looga fogaado xasarado dheeraad ah.
Waxa kale oo lagu sheegay in Somaliland ay heshay fursad cusub oo ku wajahan xaqiijinta sharciyeynta caalamiga ah, iyadoo lagu xusay in iskaashigan cusub uu gacan ka geysan karo dhismaha hay’adaha dawladda, tababarrada amniga internetka, caafimaadka dadweynaha, iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay in iskaashigan uu saameyn togan ku yeelan karo dhinacyada horumarinta biyaha, wax-soo-saarka dekedda Berbera, iyo xoojinta hay’adaha dawladda.
Dhanka kale, waxaa si gaar ah loo xusay muhiimadda kobcinta wax-soo-saarka beeraha, iyadoo la tilmaamay in iskaashiga Israa’iil uu keeni karo tiknoolajiyad casri ah oo ku habboon beeraha dhulka qalalan, sida abuurka u adkaysan kara cimilada adag iyo farsamooyinka aqalka dhirta lagu koriyo.
Warbixintu waxay ku soo gabagabaysay in iskaashigan cusub uu noqon karo mid horseeda horumar muuqda oo dhinaca nolol-maalmeedka iyo isku filnaanshaha cuntada, isla markaana u furaya Somaliland albaabyo cusub oo dhinaca horumarka iyo diblomaasiyadda ah.


0 





