DEG DEG: 8 Qof Oo U Dhintay Jadeeco, Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Digay Faafitaanka Cudurka

0
Monday April 27, 2026 - 15:11:29 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: 8 Qof Oo U Dhintay Jadeeco, Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Digay Faafitaanka Cudurka

    Wasiirka ayaa xusay in tiradan dhimashada ahi muujinayso...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa xusay in tiradan dhimashada ahi muujinayso...



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in 8 qof ay u dhinteen cudurka Measles (Jadeeco), kuwaas oo lix ka mid ahi ka soo jeedaan gobolka Togdheer.


 

Wasiirka ayaa xusay in tiradan dhimashada ahi muujinayso in carruur badan oo gobolka Togdheer ku nool aysan helin tallaalka sidii loo baahnaa, isagoo yidhi: "Dhimashada la diiwaan geliyay 8 qof baa la sheegay Somaliland oo dhan, lix ka mid ah waa gobolka Togdheer, taasi waxay ku tusaysaa tallaalka sidii la rabay in aan gobolka Togdheer u qaadan carruurtu.”



 

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in cudurka jadeecadu uu ka jiro guud ahaan dalka, balse uu si gaar ah ugu daran yahay magaalada Burco, halkaas oo carruur badan lagu daweynayo isbitaalka, isla markaana ay dhimasho ka jirto.


 

Wasiirku wuxuu tilmaamay in jadeecadu tahay cudur halis ah oo si fudud ugu dhaca carruurta isla markaana si degdeg ah u faafa, isagoo xusay in cudurkan inta badan laga ciribtiray dalal badan oo caalamka ah marka laga reebo qaar ka mid ah Afrika.


 

Ugu dambayn, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay in tallaalka jadeecadda la gaadhsiiyo dhammaan carruurta ku nool gobollada Somaliland, si loo yareeyo faafitaanka cudurka loona badbaadiyo nolosha carruurta.

Loading...
Loading...